U bood dhigaalka

Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Ka Furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho ka furmaya shirka Golaha Amniga Qaranka, ee lagu falan-qeyn-doono amniga dalka iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirkan oo daba-socday mid isla Muqdisho ka dhacay December 4, ee sanadkii hore, waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka, maal-gelintooda iyo soo-celinta amniga guud ee dalka.

Dhammaan madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa ku sugan caasimadda, xalay waxaa casho sharaf u sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shir Amni oo Muqdisho ka dhacay December 4, 2017, waxaa lagu gorfeeyay heshiiskii amni ee London lagu gaaray May sanadkii hore, si loogu maal-geliyo 22, 000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah, lama sheegin lacag iyo qaab lagu xisaabtami karo.

Wararkan oo Faah-faahsan, Kala soco, Goobjoog News