U bood dhigaalka

Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Ka Socda Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa ka furmay maanta oo Isniin ah, shirka golaha amniga qaranka, waxaana shir guddoominaya madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo guddoomiyaha gobolka Banaadiur, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa amniga guud ee dalka iyo sidoo kale wixii ka qabsoomay shirkii ay golahan horey ugu yeesheen magaalada Muqdisho.

Sida qorshaha yahay shirkan ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalinta berry ah, lagana soo saaro war-murtiyeed.

Shir Amni oo Muqdisho ka dhacay December 4, 2017, waxaa lagu gorfeeyay heshiiskii amni ee London lagu gaaray May sanadkii hore, si loogu maal-geliyo 22, 000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah, lama sheegin lacag iyo qaab lagu xisaabtami karo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News