U bood dhigaalka

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal uu ka furmo shirka golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada oo ay ka qeybgali doonaan Afar madaxweyne.

Waxaa magaaladaasi ku sugan madaxda maamullada Jubbaland, K/galbeed, Galmudug iyo Puntland oo martigelineysa shirkan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadli doono waxaa ka mid ah arrimaha ku aadan khilaafka ka dhaxeeye dowladda federaalka iyo maamulladan shirsan.

Dhanka kale, shirkan waxaa ka qeybgaleyn madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la heshiiyey dowladda federaalka ah, isaga oo sheegay madaxda shirreysan aanay ku shiri karin magaca golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News