U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Arrimo Dhowr Ah Looga hadlay

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen arrimo badan oo amniga ka mid yahay.

Shirka waxaa maanta shir guddoominayey ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir.

Ugu horreyn wasaaradda amniga ayaa soo gudbisey warbixin ku aadan amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi hadal ka jeediyey wasiirka wasaaraddaasi isaga oo sheegay inay ku dadaalayaan xoojinta amniga.

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo Duulimaadyada oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhawaan la keeni doono qalab lagu hagi doono hawada oo Saddex Kunteenar ah maalmaha soo aadanna imaan doona.

Ugu dambeyn wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisey ciyaarihii dhawaan lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho ee loo qabtay maamul goboleedyada daka ka jira, waxaana wasaaraddu ay u mahadcelisay cid walbo oo kaalin ka qaadatay ciyaarahaasi.

Goobjoog News