U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Arrimo Dhowr Ah, Amniga Ayaa Kamid Ah

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga. Sidoo kale in maamulka G/Benadir uu bilaabay amarkii inaan baabuurta la dhiganin wadada Makka Al-Mukarama. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inay labo baabuur oo qarax siday laga hortagey, ayna socdaan dadaalo lagu baacsanayo kooxaha falalka amni-daro ka dhexfuliya bulshada dhexdooda.

Wasiirka Dhalinyarada ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan xuskii maalinta dhalinyarada iyo aasaaska SYL ee 15ka May, waxeyna sheegtay in xafladu si heer sare ah u dhacday, tanoo dhiirigelin weyn u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa u mahadcelisey dhammaan intii suurtogelisay in xafladu u dhacdo sidii loogu talogalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada diyaarinta sharciyada muhiimka u ah dowlad wanaaga iyo sidii ay xukuumadu u gudan laheyd waajibaadka loo igmaday. Wasiirada ayaa ka warbixiyey sharciyada ay diyaariyeen oo dhowaan golaha wasiirada la horgeyn doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa golaha uga warbixiyey go’aanadii ka soo baxay shirka London ee 11kii May 2017 iyo baahida deg-dega ah ee loogu baahanyahay in dabagal joogta ah lagu sameeyo dhaqangelinta go’aanadaas. Golaha ayaa u mahadceliyey Dowladda UK oo shirkaas soo abaabushay iyadoo shirku uu ahaa mid ay Soomaali la tagtey ajandaha iyo qoryshaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada. Sidoo kale Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa laga dhageystay warbixino la xiriiro shirarkii gaar-gaarka ahaa ee London ka dhacay inta uu shirka socday. Shirkan London ayaa aad uga duwanaa shirarkii hore oo Madaxweynaha Soomaaaliya Mudane Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo cod iyo aragti mideysan ku tagay shirka, tanoo caalamku aad u ammaanay. Shirkan waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya iyo Caalamka ay wada fuliyaan go’aanada ka soo baxayo iyadoo la isla xisaabtamayo.

Wasiirka Waxbarashada ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirada ku aadan imtixaanka Dugsiyada Sare oo maalinta Sabtiga 20ka May ka bilaaban doona 77 xarumood ee Dowlad Goboleedyada GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo caasimada Muqdisho ee Gobolka Benadir oo 23,000 ardey ay u fariisanayaan imtixaanaadkaas.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimada nadaafada, sheegeyna in loo baahanyahay mas’uuliyiinta dalka inay door hoggaamineed ka qaateen si bulshada loogu horseedo inay bilicda dalkooda hagaajistaan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirada iyo dhammaan mas’uuliyiinta dalka inay waqtigooda u hurayaan inay waddooyinka nadiifiyaan bishiiba mar. Golaha Wasiirada ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo la yimid hinsidaha soo celinta bilicda caasimada Muqdisho.

DHAMAAD