U bood dhigaalka

Shirka Hanaanka Dib U Heshiisiinta Qaran Oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Dalka

Shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo la xiriira dib u heshiisiinta.

Shirkan ayaa wajigiisa koowaad oo Maanta furmay waxaa lagala-tashanaa hay’adaha kala duwan hanaanka loo diyaarinayo hanaanka dib u heshiisinta qaran.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka talo-galin doonta hay’adaha kula duwan ee Dowladda hanaanka loo marayo dib u heshiisiinta qaran.

Wasiiro dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha, Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta ee dowladda Soomaaliya C/laahir Faarax Wehliye ayaa sheegay in shirkaan uu qeyb weyn ka qaadan doono shirweynaha dib u heshiisiinta qaran kaasi oo lagu wado in uu dhowaan furmo.

Goobjoog News