U bood dhigaalka

Shirka IGAD: Waxyaabaha Ay Tahay In RW Xasan Khayre uu Hordhigo Shirka Madaxda IGAD

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa beri oo Isniin ah lagu wadaa in uu Adis Ababa uga qeyb galo shir aan caadi aheyn oo dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ka yeelan doonaan arrimaha Koonfurta Suudaan, socdaalkaas oo ah kii labaad ee uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo markii la doortay bishii Febaraayo la soo dhaafay.

Inkasta oo shirkan ku saabsanyahay arrimaha Suudaan hadana waxaa lagu wadaa in lagu soo qaado xaaladda Soomaaliya gaar ahaan u guurgelida is afgaradyadii lagu gaaray shirkii kan ka horeeyey ee lagu qabtay Nairobi.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalkii aasaasay ururka IGAD, burburkii ka dib waxaa ay soo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliya, waxaa kale oo ay qeyb ka noqeen shirarkii dib u heshiisiinta iyaga oo hadda qaarkood ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya hadda waxaa si tartiibtaartiib ah u dhismaya hay’adihii dawlada federaalka gaar ahaan kuwii dastuuriga ahaa,  waxaa aad u soo kabtay hey’adaheeda dastuuriga ah, waxaana socda dhismaha ciidamada xoogga dalka iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Hadaba, Waa Maxay Qodobada Ay Tahay in Ra’iisal Wasaare Khayre Hordhigo Madaxda IGAD

  1. In IGAD ay Taageerto Go’aanka Dowladda Ka Qaadatay Sacuudiga iyo Qatar.

Ra’iisal wasaaraha Xasan Khayre waa in uu dalalka IGAD ku qanciyo in ay la qaataan dawladda Soomaaliya go’aanka dhexdhexaadnimo ee ku aadan go’aanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta  iyo Masar ay xiriirka ugu gooyeen dalka Qadar, isla markaasna IGAD ay bayaankeeda ku soo saartro taageerada iyo garab istaaga go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay arikaas.

  1. In Soomaaliya Lagu Daro Hogaanka Sare Ee IGAD

Maadaama, tan iyo markii ay dhacday dawladii milateriga ee marxuum Maxamed Siyaad Bare Soomaaliya kuma yeelan wax saameyn ah hogaanka sare ee urur goboleedka IGAD.

Iyada oo laga ambaqaadayo isbedalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, Soomaaliya waa in marxaladan hada taagan la talo geliyaa sameynta ajendaha IGAD iyo sida go’aaminayo arimaha taabanaya aayaha IGAD. Sidoo kale waa in marxalada soo socota waa in IGAD ay qoondeysaa Soomaaliya kursiga hogaanka IGAD.

  1. In IGAD Ay Dibuheshiisiin U Sameyso Dawlad Goboleedka Galmudug Iyo Ururka AhluSunnaWaljamaaca 

In kasta oo xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Khayre ay sameysay dadaal hadana waa ku guuldareysatay in ay dibuheshiisiin dhexdhigto Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca. Hadaba si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca waa in uu RW Xasan Khayre ka codsadaa madaxda ururka goboleedka IGAD in ay ka gacansiiyaan dib u heshiisiinta Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca. 

  1. Fulinta Go’aanadii Shirkii IGAD Ee Nairobi:

Ra’isul Wasaare Xasan Khayre waa in uu xusuusiyo madaxda IGAD wixii ka qabsoomay go’aanadii ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD ee lagu qabtay Nairobi, kaas oo madaxda isla garteen in xal waara oo loo helo qaxootiga ayna u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

Heshiiska waxaa kale oo ku jiray in la qaato hab lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaarahaandumarka, carruurta iyo dadkatabaaleysan.

Goobjoog News