U bood dhigaalka

Shir Ay Ka Qeybgalayaan 50 Dowladood Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu ka furmo shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, waxaana ka qeybali doona in ka badan 50 dowladood, kuwaasi oo taageera Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa daah-furi doona shirkan, oo soconaya 1-da illaa 2-da bishan October 2019.

Maalinta labaad ee Shirka ayaa waxaa ku soo biiri doono Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyaga oo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana shirkan kii ka horreeyey lagu qabtay magaalada Brussels 16-kii Luulyo sanadkii 2018.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News