U bood dhigaalka

Shirka Iskaashiga Oo Furmaya Xilli Soomaaliya Ku Guuldareysatay Heshiiskii Iskaashiga Cusub iyo Amniga Qaranka

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furmaya Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dal oo caalamka ah iyo hey’ado dowli ah sida: Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo qaar kale.

Shirkan oo 2 maalin ah ayaa xoogga lagu saari-doonaa arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha,  banii’aadnimada iyo qodobo kale  oo muhiim ah geedi-u-socodka Soomaaliya.

Ajendaha shirka waxaa ugu muhiimsan in dowladda federaalka ah ay soo gudbiso waxii ka hirgalay “Heshiiskii Iskaashiga Cusub iyo Habdhiska Amniga Qaranka” ee lagu ansixiyey magaalada London bartamihii 2017-kii.

Amniga: Dowladda federaalka ah ayaa ilaa hadda ku guuldareysatay qorshayaashii amniga marka laga reebo iney dhameysay wejiga 1-aad ee diiwaan-gelinta ciidamada xoogga dalka iyo bixinta mushaaraadka. Laakin arrimaha la xiriira dhismaha ciidamada xoogga dalka, xoreynta guud ahaan dalka, isku dhafka ciidanka, tayeyta ciidanka iyo kor u qaadista tirada ciidanka oo lagu waday iney gaaraan 18 kun iyo xataa booliika oo ahaa 32 kun dhammaan qodobadaasi  waxbo lagama qaban.

Siyaasadda: Siyaasadda  ilaa hadda dastuurkii waa qabyo, sharcigii doorashooyinka waxaa uu la yalaa baarlamaanka federaalka ah oo la oga goorta uu dhamaanayo, doorashooyin dhacay ayey dowladda federaalka ah ku shubatay, waxaa ay wiiqday awooddii baarlamaanka  federaalka ah iyo hey’adda garsoorka, waxaa intaas kaaga daran waxaa shirka maanta ka maqan 2 maamul goboleed oo ay dartood u xayiran yihiin arrimo ay ku jiraan qeybsiga kheyraadka iyo heshiisyo siyaasadeed.

Dhaqaalaha: Dhaqaalaha dalka waxaa uu marayaa heerkii ugu hoseeyey, 2-badii sano iyo barkii ay dowladda Farmaajo jirtay waxaa hoos u dhacay dhaqaalaha dalka iyo koboca intaba, waxaa kordhay musuqa, hanti-dhowrka waxaa uu noqday magac u yaal aan la socon waxa dalka ka socda, waxaana meesha ka baxay isla xisaabtanka hey’daha iyada oo dowladda federaalka ah xisaabaad sharci-darro ah ka furatay dalalka dibadda, una isticmaashay arrimho sharci-darro iyo qaar sharci ah.

Banii’aadnimada: Arrimaha Banii’aadnimada, waxaa aad u yar roobabka, meelo badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar, Gedo ayey ka timid qeylo-dhaantii ugu dambeysay, meelo walbo oo dalka ilaa waqooyi waxaa ka jirto dhibaato, hey’adaha caalamiga ahna uma bixiyaan sidii la rabay.

Ugu dambeyntii, shirkan waxaa uu dhacaa xilli hey’adaha caalamiga aaney ku kalsooneen dowladda Soomaaliya oo wixii lacag ah ama deeq ah waxaa ay u soo mariyaan bangiga adduunka, waxaa kale oo aad u xun xiriirka qaramada midoobey iyo Villa Somalia tan iyo markii la ceyriyey ergeygii hore ee hey’adda, lana xadiday dhaq-dhaqaaqa midka cusub.

Goobjoog News