U bood dhigaalka

Shirka Jaamacadda Carabta Oo Furmay, Soomaaliya, Duqeynta Suuriya iyo Xiisadda Khaliijka…..

Sheeko:Dalka

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee 29aad ayaa maanta ka furmaya magaadalada Dhahraan ee bariga Sacuudiga.

Madaxweyneyaal, boqorro, amiirro iyo hoggaamiyeyaasha ugu yaraan 15 dal oo carab ah ayaa ka hadlidoona arrimaha Falastiin, Suuriya, Libya iyo in la taageero Lebnon, taageeridda nabadda iyo horumarka Suudaan iyo Comoros , arrimaha kale oo la filayo waxaa ka mid ah arrinta Qudus iyo dagaalka Mareykanka ee Suuriya.

Amiirka Qatar Tamiim waxaa la xaqiijiyay in aanu iman-doonin shirka, waxaa kale oo wax lala yaabo ah in ajendaha shirka aan lagu darin arrimo muhiim ahaa sida: Duqeynta Mareykanka ee Suuriya, xiisadda Khaliijka iyo faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya.

Goobjoog News