U bood dhigaalka

Shirka Jowhar Oo Maanta La Filayo In Uu Dib u Furmo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe dib uga furmo shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa guud ahaan magaalada Jowhar laga dareemayaa u diyaar garowga dib u furmashada shirkan, iyadoo amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyay.

Ciidamo isugu jira Booliis, Nabad sugid iyo Milatari ayaa lagu arkayaa waddooyinka qaar ee magaalada Jowhar,  iyadoo sidoo kale ay xiran yihiin waddooyinka gala halka shirka lagu qabanayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Jowhar si ay goob joog uga noqdaan shirkaan maanta halkaasi dib uga furmaya.

Xukuumadda Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa si wadajir ah u sheegay in maanta Jowhar dib uga furmayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News