U bood dhigaalka

Shirka Kismaayo: Caqabadaha iyo Himilooyinka

Sheeko:Dalka

Waxaa isniinta ka furmaya Kismaayo shirka Madaxasha Wada Xaajoodka Nooca doorashada Baarlamaanka 2016-ka, balse shirka waxaa ku hareereysan caqabado iyo himilooyin badan.

Caqabada Shirka:

Shirka waxaa hor-yaalla caqabado sida: Isqabqabsiga nooca doorasho oo Puntlnad iyo Jubbaland ay doonayaan doorasho deegaan iyo gobollada kale oo doonaya in doorashada 2016-ka ay noqoto nidaamka 4.5-ka.

Isqabqabsiga Dowlad Goboleedyada: Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka keliya fikir ahaan kuma kala duwana ee xitaa waxaa ku dhex jira khilaaf dhinacyo badan sida: Jubbaland iyo Koofur Galbeed iyo Galmudug iyo Puntland.

Biseyl L’aanta Siyaasadeed: Soomaalida uma bisla  siyaasadda “win–win situation” oo ah in kooxaha shiraraya ay meel dhexaad isugu yimaadaan, waxaa hadalkaas daliil u ah khudbadihii laga jeediyay Jimcihii xafladii furitaanka Madaarka  Boosaaso, halkaas oo Puntland ay sheegtay in aanay marna ka laaban doonin in Soomaaliya ka dhacdo doorasho deegaan.

Sharciyadda Madasha: Waxaa jiro loolan ku saabsan awoodda natiijada shirka, saameynta dowladda federaalka ah, saameynta maamul goboleedyada, awoodda kooxaha kale ee ku jira sida bulshada rayidka, baarlamaanka iyo cid walba oo shirkaan ku shaqo leh, waxaa intaa dheer guddiga madaxa banana ee doorashooyinka oo ku doodaya in kaalintoodii la wiiqay.

Caqabadaha Maaliyadeed: Natiijada shirka ka soo baxda waxaa ay sidoo kale ku xiran tahay fulinteeda in maaliyad loo helo, in kasta oo lagu ballamay shir Istanbul ka dhici doono bisha Febraayo hadana ma cadda halka doorashada lacag looga keeni doono.

Khilaafka Madaxda Sare:

Shirkan waxaa uu ku soo aadayaa xilli uu khilaaf ku kala dhex jiro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Khilaafkaas oo horay u jiray waxaa uu soo shaac baxay markii Jawaari tagay Dhuusamareeb, waxaa kaloo la isku khilaafsan yahay Jiheynta dalka 2016-ka oo baarlamaanka hadda jira uu doonayo in uu saameyn ku yeesho doorashada 2016-ka iyo waqti kororsi, ku lug lahaashiyaha Xildhibaanada ee Maamulka Bakoor sare iyo arrimo kale.

Faragelinta Beesha Caalamka:

Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya faragelinta beesha caalamka, dunida waxaa ay taageertaa dhaqaale ahaan dowladdan tabarta daran ee Soomaaliya ka jirta,  taasi badalkeeda waxaa ay faragelin dhan walbo ah ku heysaa hey’adaha dowliga ah ee dalka, waxaa su’aal weyn ka taagan tahay Madax banaanida hey’adaha dowladda iyo xitaa guud ahaan siyaasadda dalka.

Hilmilooyinka Shirka:

Shacabka Soomaaliyeed waxaa shacab ka daalay dagaalo iyo khilaaf siyaasadeed, waxaa ay ku raalli noqdeen natiijo kasta, laga soo bilaabo shirkii Soodare ee Adis Ababa 25, June 1997-dii, shirkaanina kama duwana.

Natiijada shirka waxaa isha ku haya dhamaan umadda, shacabka waxaa ay horay ugu dulqaateen balantii looga baxay ee aheyd in 2016-ka dalka ka dhici doonto“ doorasho qof iyo codkii ah”, lakin waxaa nasiib darro noqon doonta marka uu shirkan guuldareysto.

Arrinta ku saabsan nooca doorasho ee 2016-ka waa dhibaato ku gaar ah Laacibiinta siyaasadda ee dalka, Shacabka waxaa ay cod ku lahaayeen haddii dalka ka dhici laheyd doorasho qof iyo codkii ah”, sidaa darteed waxaa haboon in mar kale aan umadda la niyadda  jabin.

Shacabka waxaa ay quus ka joogaan in aayahooda mar walbo ay ka tashtaan dad aanay u soo dooran in ay matalaan, Lakin shirka Kismaayo hadii uu  khilaaf ka dhasho, isla markaana lagu kala tago iyagoo mar kale shacabka lagu marmarsiyoonaya  waa arrin ka hor imaaneysa Himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaa waqti badan ka lumisay Hiigsiga 2016-ka, waxaa la gaaray xiligii dowladda federaalka iyo dowladaha kale u soo jeesan lahaayeen dib u dhiska dalka, nabadda iyo dhamaan hor-umarinta dadka iyo dalka.

Rajada shacabka ay shirkan  ka qabaan waa in doorashada waqtigeeda la qabto, laguna heshiiyo qaabka, dadka wax xulaya iyo natiijada sida ay noqon doonto.

Sooyaalka Shirarka Madasha wadatashiga ee doorashada 2016-ka:

October 19-keedii ilaa 20-keedii waxaa ka soconayey Muqdisho shirarka Madasha, kaasi oo la doonayay in loogu gogol xaaro habkii lagu gaari lahaa inay doorashooyin ka dhacaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2016-ka.

Gunaanadkii waxaa lagu sameeyay:

Guddi Hawleedka(Task Force): Si loo taageero howsha Wadatashifa Qaran, waxaa la sameynayaa Guddi Howleed(Task Force) ku saleysan mabda’a ah inuu ka tarjumo kana howlago fulinta go’aanada loo dhan yahay ee madasha Wadatashiga qaran.

Guddi Tageero Farsamo(technical Support Team): oo ay gawadeen ka yihiin Wasaaradda arimaha gudaha iyo Arimaha Federaalka waxay Mas’uuliyad ka saran tahay labo arin:

Teegeerada Madasha Wadatshiga Qaran iyo Guddi Howleedka, wuxuuna xaqiijinayaa arimaha farsamo ee la xiriira Madashada Wadatashiga qaran

Waxaa kale oo la soo saaray in ay jiri doonaan Ergo doorsho, Murashaxiin iyo Nidaam doorasho?

Ergada Doorashada:

Shirkan waxaa inta badan lagu raadinayey Jawaabaha Yaa Xulaya ergada ama Wakiilo Doorasho ama yaa Xulaya eragada doorshada, side loo xaqiijinayaa xulista Baarlamaan si dheelitiran u matala deegaan, side geedi u soconda hanaanka 4.5 u noqon karaa marjica awood qeybi? Side dowlad goboleedka looga qeyb galin karaa hanaanka, Maxuuse noqon karaa kaalinta Odey dhaqameedka.

Murashaixiinta:

Dhanka Murashaxiinta waxaa laga hadlayaa, Yaa magacaabaya Murashaxiinta? Waa maxay shuruuda laga doonayo Murashaxa xilka Xildhibaanimo, Yaa xaqiijinaya in murashaxiinta ay buuxiyeen shuruuradaha? Side lagu xaqiijin karaa saamiga loo qoondeeyay haweenka? Side lagu heli karaan hanaan lagu xalliyo cabashooyinka?

Nidaamka Doorashada:

Nidaamka doorashada oo laga hadlayo, Muxuu noqon doonaa habka la isku metello? Muxuu noqon doonaa hanaanka doorashada ay raaci doonaan ergada doorashada? Mise hadba ciddii codka ugu badan hesha ayey guusha raaceysaa?

Afarta Qaab ee lag rabo in mid laga doorto:

Ergo doorsho oo ka kooban dalka oo dhan: Nidaamkan waxaa uu ku fulli karaa in la dhiso Xisbyo Siyaasadeed, Xibsi kasta oo Baarlamaanka ku yeesho tiro Xildhibaan oo u dhiganta cododka uu doorashada ka helo.

Ergo doorsho oo heer dowlad Goboleed ah, Dowlad goboleedyada jira ama kuwa sameymaya waxaa laga yagleelayaa Wakiilo doorasho oo dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka oo Metelaya dowlad goboleedyada.

Ergo doorsho heer degmo: degmo walba oo ka mid ah 92 degmo ee jiray sanadkii 1991 ayaa sameysanaya Ergo doorasho.

Ergo doorsho oo beel ku saleysan: sidii lagu soo xulay 2012kii oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen Xildhibaanada

December 08, 2015: Shirkii todobaad ee madasha wada-tashiga Somalia iyo dalalka iyo hay’adaha caawiya Somalia ee HPLF ayaa lagu soo Gunaanaday Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug, wakiillo ka kala socday gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, mas’uuliyiin ka socday Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirkan oo halka maalin ahaa ayaa lagu qiimeynayay waxyaabihii u qabsoomay Somalia lixdii bil ee lasoo dhaafay, tan iyo markii uu qabsoomay shirkii lixaad ee heerka sare ee waddamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Somalia (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka.

December 13, 2015: Waxaa Muqdisho ka furmay shir logu go’aansanayo qaabka ay u dhaceyso doorashada 2016-ka, Ugu dambeyn shirka ayaa laga rabaa in go’aan kama dambeys uu ka soo baxo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadka 2016, waxaana laga yaabaa hadii maalinta berri go’aano ka soo bixi waayaan, in maalin saddexaad loo gudbo, iyadoo qorshuhu yahay ka hor shirka ka dhacaya Istanbul bisha Febraayo sanadka 2016 go’aan kama dambeys la gaaro

December 15, 2015: Waxaa Muqdisho Lagu soo Gabagabeeyay Shir Madaasha Wada Xaajoodka Nooca doorashada Baarlamaanka 2016-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa gabagabdii shirka akhriyay War Murtiyeed ka kooban ilaa 7 qodob, Waxaa ugu Muhiimsanaa in doorashada Baarlamaanka noqon doono 4.5 iyo Deegaan isku dhex jira oo lagu dooran doono labada aqal ee Baarlamaanka, waxaa kaloo lagu balalamay in doorashada go’aan rasmi ah laga gaaro shirka Kismaayo ka dhacaya January 2016-ka.

January 11, 2016: Waxaa Kismaayo ka dhacaya shirka Madasha Wada Xaajoodka Nooca doorashada Baarlamaanka 2016-ka, waxaa la filayaa in shirkaas gabagabadiisa lagu ogoodo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2016-ka.

Cabdi Caziz Axmed Gurbiye