U bood dhigaalka

Shirka Kismaayo Oo Gebogebo Maraya

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalintii Saddexaad ka soconaya shirka madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo arrimo badan looga hadlayo.

Shirkan oo maraya heer gebogebo ah ayaa xalay waxaa dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada.

Waxay isla garteen inta badan qodobada lagu soo saarayo War-murtiyeedka, waxaana waxyaabaha la isku fahmay ka mid ah arrimaha ammaanka, doorashooyinka maamullada iyo sidii DFS uga madaxbanaanaan lahayd iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxda K/galbeed iyo Puntland oo dhowaan doorashooyin galaya ay dalbadeen in dowladda dhexe aanay wax lug ah ku yeelan arrimaha doorashooyinka.

Warbaahinta ayaa maanta looga yeeray guriga martida Kismaayo ee shirkan uu ka soconayo, waxaana qorshaha uu yahay in shirka lasoo gabagabeeyo, wallow jadwalka shirka uu berri ku aaddan yahay in lasoo xiro shirkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News