U bood dhigaalka

Shirka Lagu Qabanayo Jowhar Oo Sababay In La Xiro Iskuullada Iyo Jaamacadaha Ku Yaalla Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo degmada Jowhar islamarkaana maamul loogu sameynayo goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa sabab u noqday in la xiro dhammaan Iskuullada iyo Jaamacadaha ku yaalla magaaladaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa ammar lagu bixiyay in la xiro guud ahaan Iskuullada ku yaalla degmadaasi iyo sidoo kale Jaamacadaha.

Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegayaa in qaar ka mid ah dhismayaasha Iskuullada la dejin doono ergada ka qeybgalaysa shirka Jowhar, sidoo kalena qeyb ay ka tahay sugista amniga.

Maamulkaan ayaa ammar ku bixiyay in la xiro iskuullada kala ah Sheekh Xasan Barsane, Imaamu Shaafici, Buulo Bare, Sheekh Xuseen Cadde, Horseed iyo Buulo Sheekh, waxaana raaca jaamacadaha fara ku tiriska ah ee ku yaalla magaaladaasi.

Inkastoo uu soo dhawaa Sanad dugsiyeedka 2015-2016 ayaa hadana waxay ka dhigan tahay in fasaxii ardayda isaga oo ammar maamul gobal ah loo soo hormariyay.

Jowhar ayaa u diyaar garoobeyso inay marti geliso ergo badan oo ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News