U bood dhigaalka

SHIRKA LONDON: Dabinkii Soomaaliya Ka Badbaaday 57 Sano Kahor In Maanta Lagu Rido Ma Mudna.!

Sheeko:Dalka

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweyne yaasha Dowlad Goboleedyada ku yeesheen Mogadishu 15 – 16 April 2017 ee lala wadaagay wadamada garwadeenka ah shirka London waxaa lagu qeexay in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed uu noqon doono 18,000 askari oo ka kala imaan doona kuna ekaan doona xuduudaha isla maamulada ay ka imaanayaan. Kuwaas oo loo qaybsanayo sida soo socota:

1. Puntland 3,000
2. Galmudug 3,000
3. Hirshabelle 3,000
4. Banaadir 3,000
5. Koonfur Galbeed 3,000
6. Jubaland 3,000

Waxaan u arkaa marka warmurtiyeedkaas ama ajandahaas lala tagayo shirka London inuu halis ku yahay Dhismaha Ciidan Soomaaliyeed oo hanta midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya. Sababaha soo socda:

– Koow: 18,000 Ciidanka Xoog Dalka Soomaaliyeed inuu noqdo, tiro ahaan macquul maahan oo hada oo aan leenahay 30,000 ayaan sugi la’nahay amnigii Dalka. Ilaalina la’nahay Xuduudihii Dalka oo cid waliba u furan.

– Labo: Daruufaha amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya ku xeeran waxa ay u baahanyihiin awood Ciidan oo intaas ka balaaran. Ciidankaas oo hanan kara amniga iyo kala danbeyntii. Ilaalina kara midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

– Sadex: Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waa mas’uuliyada Dowlada Federaalka. Sida ku cad Qodobka 54aad ee Dastuurka Jamhuurida Federaalka Soomaaliya ee qeexaya Awoodaha Dowlada Federaalka, sida: Arimaha Dibada, Difaaca Qaranka, Jinsiyadaha iyo Socdaalka iyo Siyaasada Lacagta oo ah dhamaan awoodo ay leedahay Dowlada Dhaxe.

Afar: Soomaliya cunuqabateyn Caalami ah ayaa saaran, madaxda Soomaaliya maanta hadii ay ogolaadaan 18,000 in Ciidanka Xooga Soomaaliya noqdo waligeed lama badali karayo. Ciidan intaas ka badana hubkooda iyo saanadooda in Soomaaliya soo gadato looma ogolaan doono. Sidaasna Soomaaliya waxay ugu dhacaysaa dabinkii lala raadinayay 57 sanadood.

Shan: Ku dhawaad 30,000 ciidan ah ayaa laga kaaftoomayaa. Ama la baabi’inayaa oo Dalkaan usoo dhintay una soo dhaawacmay. Mana jirto siyaasad cad oo lagu maareynayo ciidamadaas. Taasoo sababi karta in ciidamadaasi gacanta u galaan kooxaha nabad diidka ah. Amaba iyagu si dadban uga qayb noqdaan xasilooni darada Dalka kajirta.

Sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa Madaxda Qaranka iyo Umadda Soomaaliyeedba inay indhaha kala furaan. Kuna baraarugaan halista mustaqbal ee kusoo wajahan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin.

Xildhibaan: Mahad Salad
[email protected]