U bood dhigaalka

Shirka Madasha Oo Ka Furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shirka madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo looga hadli doono arrimo dhowr  ah.

Magaalada waxaa maanta imaan doona qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale arrimo la xiriira dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka, kuwa maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa shirkan ka qeybgali doona.

Shirkan ayaa lagu waday in maalintii shalay ahayd (10 October 11, 2016) uu ka furmo magaalada Muqdisho balse dib ayuu uga dhacay waqtigaasi.

Hoggaanka madasha Wadatashiga qaran ayaa shirarkii ay isugu yimaadeen waxay kaga arrinsadeen arrimo la xiriira habsami u socodsiinta doorashooyinka.

Dhowaan ayaa guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal waxay maamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug dib ugu celiyeen liiska musharraxiinta aqalka sare.

Goobjoog News