U bood dhigaalka

Shirka Madasha Oslo Oo Goor Dhow Fumar

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.

—-DHAMMAAD—-