U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadajir Ee Hannaanka Qaran Oo ka Furmay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shirka Madasha Wadajir ee hannaanka Qaran Dowladaha hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Maanta ka fumar Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Haweenka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiyada Qaxootiga iyo barakacayaasha heer  Qaran iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Isaaq Maxamed Maxamuud , oo furay shirka madasha wadajir ayaa sheegay in muhiimadda madashani oo Saddexdii Bil mar kulanta ay tahay horumarinta adeegyada Bulshada iyo dhismaha golayaasha degaanka, waxana sidoo Ajendaha ka mid ah xal u helidda arrimaha barakacaayaasha.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qeyb galka madasha 13-aad hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose ee wadajir, isagoo sheegay in ay wadaan dedaallo la xiriira sidii horay loogu socodsiin lahaa dhismaha golayaasha degaanka Degmooyinka Hirshabeelle.

Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeelle Injineer; Cabdikariin Cali Nuur,  ayaa sheegay in ay dib u heshiisiintu tahay saldhigga dhismaha golayaasha degaanka iyo xal u helidda caqabadaha ku hor gudban.

Wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed , Maxamed Abuukar , ayaa isna sheegay in ay wax badan ka qabteen dhismaha golayaasha degaanka , isagoo xusay in ay dhowaan daah-fureen dhismaha golayaasha degaanka Ceel-Barde , isagoo sheegay in ay horay usoo dhiseen galayaasha degaanka ee Xuddur iyo Berdaale, Haweenkuna ay door fiican ka siiyeen.

Cabdisamad Garoon (Abdow Garoon) oo horkacaya wafdiga Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland , ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan madashan iyo in ay iska waraystaan wixii uga qabsoomay xaslilinta , xal u helidda arrimaha bara-kacayaasha iyo dhismaha golayaasha degaanka.

Goobjoog News