U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho Oo Maanta Arrimo Muhiim Ah Looga Doodayo

Sheeko:Dalka

Shirka madasha madasha wadatashiga qaranka ee magaalada Muqdisho ka socda ayaa maalintiisii Labaad galay, iyadoo Axadii uu furmay shirkaanna looga hadlayo arrimo badan oo muhiim ah.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa ka dooday sida loo hirgelinayo nidaamka doorasho ee la’isku raacay iyo qaabka ay u dhaceyso iyo waddooyinka loo marayo.

Inta shirkaan uu socdo ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Nidaamka Doorasho, Dastuurka, Nabadgalyada iyo siyaasad amni uu dalka lahaado.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hadal uu ka jeediyey furitaankii shirkan ayaa madaxdii ka qeybgashay waxa uu ku booriyey u shaqeynta shacabka iyo sidoo kale ka shaqeynta danta guud.

“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Gabagabada shirkan waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed lagu qeexayo waxa ay isku raaceen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News