U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Oo Weli Looga Doodayo Arrimaha Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka furmay shirka Hoggaanka madasha Qaran, kaasi oo looga hadlayo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay shirkaan ka furay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha ku aadan xalinta cabashooyinka jira, turxaan bixinta Aqalka sare iyo sidoo kale dhaqan gelinta doorashooyinka.

Waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo illaa xalay yeesheen madaxda ka qeybgalaysa shirkan.

Shirkan madasha ayaa noqon doona midkoodii ugu dambeeyay,  islamarkaana lagu soo saaro go’aan kama dambeys ah.

Goobjoog News