U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Galay Maalintii Labaad

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka soconaya shirka madasha Wadatashiga qaran oo shalay si rasmi ah u furay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka, waxaana sida qorshaha yahay la filayaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

Waxyaabasha shirkaan diiradda lagu saaray ayaa ah qorshaha doorashada 2016, iyadoo madaxdu ka doodayaan qodobo xasaasi ah.

Qodobada laga wada hadlayo oo shirkaan la doonayo in go’aanka looga gaaro waxaa kamid ah:-

Dhisidda iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn.

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha Labada aqal ee Somaliland, Shabellaha dhexe iyo Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howlgalintooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News