U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran, kaasi oo looga hadlayo arrimo ku aadan doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkaan nuuca ay noqonayaan.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul gobaleedyada, beesha caalamka iyo dhammaan xubnaha madasha Wadatashiga qaran ayaa shirkaan ka wada qeybgali doona, waxaana la filayaa in madashu qaadato go’aan kama dambeyn ah oo ku aadan nuuca doorasho ee dalka laga qabanayo.

Xalay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay shirar gaar gaar ah oo ay lahaayeen qaar ka mid ah madaxda halkaasi ku sugan.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo aadkeeyay, waxaana xusid mudan in magaaladaasi xubnaha ku sugan uu ka mid yahay wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Itoobiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News