U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta La Filayo In Lagu Soo Gabagabeeyo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa sida qorshaha yahay in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka madasha wadatashiga qaran kaasi oo 5-tii bishan furmay.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya kuwa maamul goboleedyada iyadoo warbixin looga dhageystay guddiga doorashada 2016.

Maanta ayaa la filayaa in gabagabada shirkan laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxa ay madashu isku fahamtay marka la eego dhanka doorashada.

Arrimaha ugu weyn ee laga dhowrayo madasha watadashiga qaran ayaa ah waqtiga ay sida kama dambeysta ah u dhici doonto doorashada 2016.

Waxaan dhaqan gelin jadwalkii doorasho iyadoo hadda la filayo in go’aan kama dambeys ah soo saaraan madaxda shirsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News