U bood dhigaalka

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Maanta Lasoo Gaba-gabeynayo

Sheeko:Dalka

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyo shirka madaxda dowlad goboleedyada uga socday magaaladaasi.

Shirkaan ayaa socday Saddex maalin, waxaana looga hadlay arrimo badan oo dalka ah, sida amniga, siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo arrimo kale.

Saacado kadib ayaa la filayaa in madaxda ay soo saaraan war-murtiyeed ay ku faah faahinayaan waxyaabihii ay ka wadahadleen iyo waxa ay isla garteen madaxda.

Madaxda maamullada Puntland, Jubbaland, K/galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa shirkaan ka qeybgalaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News