U bood dhigaalka

Shirka Madaxda IGAD Oo Maanta Ka Furmaya Addis Ababa

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta  Itoobiya ka furmaya shirka madaxda wadamada IGAD, waana shir degdeg ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ahna guddoomiyaha IGAD Hailemariam Desalegn ayaa shirkaan si degdeg ah ugu baaqay, waxaana looga hadli doonaa sida qorshaha yahay xaaladda wadanka K/sudan.

Soomaaliya waxaa shirkaan u mateli doona Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Gabagabada shirkan waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno ku aadan wax ka qabashada xaaladda K/sudan sida amniga iyo xaaladda Bini’aadannimo.

Goobjoog News