U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Afrika Oo Looga Dhawaaqayo Baasaboor dalalka Afrika Mideeya

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Rwanda ka furmaya shir madaxeedka Afrika ee 27-aad, kaas oo xogga lagu saarayo xuquuqul insaanka, Dhibaatooyinka ka jira South Sudan, Somalia iyo Burundi, waxaana sidoo kale lagu daahfuri doonaa Baasaboor Afrikaan ah oo mideeya dhamaan qaaradda Afrika iyo qofkii badali lahaa Nkosazana Dlamini-Zuma.

Hal baasaboor oo midwoga Afrika yeesho ayaa loo arkaa arrin sahleysa dhaqdhaqaaq xor ah oo ay helaan dadka qaaradda Afrika, kobac dhaqaale, horumar iyo in kor loo qaado ganacsi isaga dhex goosha Afrika ayaa la filayaa in looga hadlo shir maanta midowga Afrika uga furmaya magaalada Kigali ee dalka Ruwanda.

Madaxda midowga Afrika ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqaya baasaboor dalalka Afrika ka dhaxeeya waxaana arrintaan lagu dhawaaqi doonaa inta uu socda kulan madaxeed caadi ah oo uu midowga Afrika yeelanayo taasoo u gogol xaareysa bilaabashada geeddi-socod la doonayo in la soo saaro baasaboorkan.

Midow goboleedka ganacsi ayaa in muddo ahba ahaa arrin muhiimad gaar ah u leh Afrika waxaana jira guulo lagu ciribtirayo caqabadaha hor taagan ganacsiga Afrika iyadoo arrintaasi ay u keentay suuqyada Afrika inay noqdaan kuwo aad u liita oo burbursan.

Shuruucda lagu xakameynayo ganacsiga Afrika waa mid weli dhibaato ku ah islamarkaana xakameynaya dhaqdhaqaaqa maciishadda, adeegyada iyo weliba dadka isaga gudba dhammaan xuduudaha qaaradda Afrika.

Xoojinta isdhexgalka ganacsiga Afrika

Sare u qaadidda ganacsi furan oo dhex mara qaaradda Afrika wuxuu xoojin doonaa islamarkaana fududeyn doonaa ganacsiga dalalka Afrika kaasoo ugu dambeyn ka hortagaya inuu hoos u dhac ku yimaado ganacsiga dalalka Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda Louise Mushikiwabo ayaa sheegay in helidda baasaboor midowga Afrika yeesho uu ahaa mid ka mid ah hiigsiyada ugu muhiimsan ee Afrika ay lahayd laguna baabi’inayo dhammaan waxyaabaha caqabadda ku noqon kara dhaqdhaqaaqa waxaana intaas ku daray in ugu dambeyn la heli doono deegaan u sahlaya Afrika inay si wadajir ah u ganacsato.

Rwanda waxay diyaar u tahay in midowga Afrika loo sameeyo baasaboor wadamadeenuna waxay ka shaqeyn doonaan fulinta go’aankan, dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka Afrika waxay xoojineysaa kororka dhaqaale ayaa lagu yiri shir jaraa’id qamiistii kaasoo dhinac socday kulanka madaxda midowga Afrika ee ka socda Kigali.

Fikirka xayiraadda looga qaadayo isku socodka dadka, maciishadda iyo adeegyada kale ee gobolka iyo qaaradda ayaan ahayn mid cusub horay ayaa arrintaan looga hadlay sida heshiisyadii the Lagos Plan of Action iyo the Abuja Treaty kuwaasoo lagu soo hadal qaaday dhibaatada Afrika ka soo gaartay xayiraadda dhinaca isku socodka dadka Afrika iyo weliba hoos u dhaca horumarka qaaradda