U bood dhigaalka

Shirka Murashaxiinta Madaxweynaha oo Maalintii 5aad galay, Milkiileyaasha Warbaahinta Ayey Arki doonaan

Sheeko:Amniga

Waxaa malaintii 5aad galay shirka murashaxiinta madaxweynaha ee ka socda Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa maalmihii tagay waxaa ka qeyb galay 12 murashax oo sanadkan oo u sharaxan madaxtinnimada Soomaaliya iyaga oo ka mideysan iney isbadal ku sameeyaan maamulka Farmaajo.

Murashaxiintan waxay dhageysteen siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenkiisa 1aad, guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku-xigeenkiisa 1aad, guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Jawaari, siyaasiyiin ka socotay gobollada waqooyi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada, culimada iyo xataa beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Maanta waxaa lagu wadaa iney sii wadaan kulamada la tashiyada ah, iyada ay la kulmi doonaan milkiilayaasha warbaahinta madaxabannaan iyo qeybo kale.

Shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed ay ku yihiin dhismaha madal ay ku mideysan yihiin oo madax looga dhigay Sheekh Shariif, xogheyaana Xalane halka afhayeen looga dhigay Ridwaan, waxa akale oo lagu xusi doonaa sida ay u arkaan guddiyada iyo guud ahaan doorashada.

Goobjoog News