U bood dhigaalka

Shirka Nabadda Iyo Xasiloonida Mudug Oo Maanta Ka Furmaya Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi uu ka furmo shirka nabadda iyo xasiloonida gobolka Mudug.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya madaxweyne ku xigeennada Puntland iyo Galmudug, waxaana la filayaa in xal waara laga gaaro arrimaha Mudug.

Madaxda Puntland iyo Galmudug waxaa sidoo kale shirkan ku wehlinaya waxgaradka magaalada Gaalkacyo, iyadoo ulajeedka shirkan yahay sidii loo heli lahaa reer Mudug oo gacmaha is qabsada, kana gudba colaadda iyo wixii la mid ah.

Wariyaheenna gobolka Mudug, Cali Cayn ayaa soo sheegaya in amniga guud ee Gaalkacyo yahay mid aad loo adkeeyay, waxaana shacabki ay ka war dhowrayaan qodobada shirkaan laga soo saari doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News