U bood dhigaalka

Shirka Tala-bixinta & Dib u Dhiska Guddiga 4-aad ee Horumarinta Af-Soomaaliga oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Sii haya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa daahfuray Shirka Talabixinta & Dib u dhiska Guddiga 4-aad ee horumarinta Af-Soomaaliga oo maanta ka furmay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Fedraalka, Abwaanno, Aqoonyahanno ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo ay ka mid yihiin Prof. Cabdalla Mansuur, Prof. Gaandi, Prof. Ciise Maxamed Siyaad, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Marti sharaf kale.

Khudbidihii laga jeediyey shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka hareeyey Afka Soomaaliga iyo sida looga gudbi karo;

Waxaa leysku raacay in uu Afka u baahan yahay gurmad ballaaran oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo masuuliyiinta dowladana loogu baaqay in ay marka hore xafiisyadooda si dhab ah uga hirgaliyaan Afka Soomaaliga.

Dadaalladii lagu bixiyey hirgelinta Afka Soomaaliga oo qarniyaal ka hor soo billowday ayaa waxaa markii ugu horreysay dareemay baahida loo qabo hirgelintiisa in la qoro farta Soomaaliga Aqoonyahan Sh. Yuusuf Alkownayn, kaddib markii ay ku adkaatay siduu Qur’aanka Kariimka u bari lahaa dadka,waxaa xigay guddiyo dhowr ah oo meel fiican soo gaarsiiyey horumarinta Afkeena Hooyo, balse soddonkii sano ee ugu dambeeyey ayaa la dareemay hoos u dhac ku yimid Afka, taasoo kalliftay in ay Aqoonyahanka mar kale u istaagaan lagana doodo dhisidda Guddigii 4-aad ee horumarinta Af-soomaaliga.

Goobjoog News