U bood dhigaalka

Shirka Trump iyo Kim: Sidee Loo Fariisan-doonaa, Yaase Bixinaya Qarashka?!

Sheeko:Dalka

Dunida waxaa ay isha ku heysaa shirka June 12 ku dhex mari-doonna Singapore hoggaamiyeyaasha Mareykanka Donald Trump iyo waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, waxaase jira su’aalo badan oo la xiriira arrimaha protocol-ka.

Khubaro ayaa isweydiinaya shirka ka hor, Sida ay labada hoggaamiye u fariisan-doonaan, cidda ahmiyadda leh, marka la wada hadlayo halkee madaxda fariisan-doontaa, yaa la joogaya, imisa cunto ama cabitaan ayaa la qorsheeyay, hadiyada ay is-dhaafsan-doonaan iyo arrimo kale.

Waxaa kale oo arrintaas oo dhan ka muhiimsan cidda bixineysa qarashka shirka maadaama uu ka dhacayo dal dhex-dhexaad ah.

Shirkan waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco The Shangri-La Hotel ama Jaziiradda yar ee Sentosa, dadka qaar ayaa ku doodaya in Mareykanka uu ku gacan sareeyo dhanka kala horeynta, laakin waqooyiga Kuuriya wax walbo waa laga filan karaa.

Xagga ammaanka inkasta oo dalka loo martida yahay ay wax badan sameyn-doonaan hadana waxaa hubaal ah in labada dhinac sidoo kale la iman-doonaan ciidamo gaar ah.

Dhibaatada ugu weyn, waa qarashka, dalka waqooyiga Kuuriya marka ay wufuud dibadda u dirayaan ma bixiyaan qarashka, xitaa cayaarihii ugu dambeeyay ee Olympics-ka qarashka ku baxaya cayaaryahannada, wufuudda iyo xataa Kim Yo-jong oo ah hoggaamiyaha walaashiid intaba waxaa bixiyay koonfurta Kuuriya, waxaa lagu qiyaasay $225,000.

Shirkan Trump iyo Kim, Ng Eng Hen oo ah wasiirka difaaca Singapore  waxaa uu sheegay in dalkiisa ay qarshka qeyb ka bixin-doonaan, waxaa kale oo iyagana soojeediyay in ay qarashka bixiyaan hey’adda ololaha dowliga ee ciribtirka hubka wax gumaada.

Goobjoog News