U bood dhigaalka

Ujeedooyinka Shirka Wada Tashiga Qaran ee Muqdisho iyo Dhismaha Golaha Wada tashiga

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Caasimadda Muqdisho ka furmay shir wada tashi kaas oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Maamullada dalka iyo Beesha Caalamka

Shirkan oo ay ku kulmayeen dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada waxaa Goobjoog ka ahaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’isul Wasaaraha Federaalka Cumar Cabdirashid  iyo Wasiiro federal ah.

Waxaa dhanka kale shirka ku sugnaa Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka sida Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Sharif Xasan Sh. Aden, Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Shirka Wada tashiga arimaha Soomaaliya waxaa joogay wakiilka Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey, Safiirada Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, Safiirka IGAD iyo dhamaan safiirada Shisheeye ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay shirka kadib ayaa sheegay in ujeedada ay aheyd in uu bilowday qorshe wada tashi qaran ee laga tashanayey Mustaqbalka Soomaaliya 2016-ka

Wasiirka ayaa carabta ku dhuftay in uu bilowday  process-ka oo oo labo arin ah sida uu u dhigay.

  1. In la dardargaliyo xoogeysiga dowladnimada Soomaaliya sida amniga, dhaqaalaha iyo dhameystirka Federalism-ka.
  2. Sidii 2016-ka loogu gudbi lahaa Nidaam ka ballaaran midka hadda jira.

Waxaa kaloo ka soo qeyb galayaasha isku afgarteen in wada tashiga qaran laga qeyb galiyo dhamaan bulshada oo gobolada iyo dibadda ku sugan sida  haweenka, dhalinyarada, Odoyaasha, Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan laga soo aruuriyo si prosses-ka ay Soomaaliya u lahaato, Soomaalina ay hogaamineyso halka beesha caalamka ay fududeyndoonto.

Marka uu Prosses-ka dhamaado waxaa la isku afgartay in la horkeeno Madal la dhisi doono oo lagu magacaabo”golaha Wadatashiga” iyo Labada gole ee Federaalka.