U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Puntland Ee Ka Socda Gaalkacyo Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Mudug, ayaa dhaliilay shirka ka soconaya magaalada Gaalkacyo, kaasi oo looga hadlayo aayaha maamulka Puntland.

Nabadoon Cumar Cabdulle Maxamed oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in shirkaasi cabasho ay ka yihiin, islamarkaana ay cabashadooda madaxda Puntland u gudbiyeen, balse aan waxba loo qaban.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in beesha uu kasoo jeedo iyo kuwo kaleba aan shirkaasi lagu casuumin, islamarkaana loo yeeray beello gaar ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anaga ka beel ahaan xaqii aan shirkaasi ku lahayn nalagama siin, mana noola yeerin, beelihii kalena waa la wacay, madaxda Puntland waan u sheegnay cabashadeena, laakiinse cid wax kasoo qaadday malaha, midda kale waxaan u sheegnay in Puntland beelaha oo dhan ay ka wada dhaxeyso ee aan la’is lahaysiin” ayuu yiri Nabadoon Cumar.

Shir la filayo in maalinta barri ah lasoo gabagabeeyo ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacyo, waana mid wada tashi ah oo looga hadlayo aayahay Puntland.

Goobjoog News