U bood dhigaalka

Shirkad Caymiska Ee Takaful Oo Beenisey Eedeyn Kaga Timid Gaadiidleyda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka shirkadda Caymiska ee Takaful ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in ay qasbeen gaadiidleyda Muqdisho si ay caymis u galaan, xilli magaalada Muqdisho maanta aanu ka shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha.

Guddoomiyaha shirkaddaasi Maxamed Cabdi Maxamed oo si kooban ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in iyagu aysan cidna qasbin, balse dalka ay dowlad ka jirto.

“Wax dhibaato ah oo aan annaga ognahay malahan, qofka isaga ayaa xor ah, heshiis geli kara, waxa uu la baxayo waa wax meesha ku qoran, gaadiidleyda iyo annaga waxaan nahay ehal, wax dhibaato ah oo aan ogahay ma jirto, annagu shirkad gaar loo leeyahay baan nahay wixii naloo idmay baan qabannaa, annagu ma qabanno, waxna ma qasabno, sharci baan ku shaqeynaa, wixii nidaam iyo dowli ah dowladda ayaa la weydiiyaa, wadankaan waxaa ka talisa dowlad, iyadaa wax idmi karta, annagu shirkad ganacsato ah baaan nahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Goobjoog News ayaa guddoomiyaha hordhigtay eedeynta kadib gaadiidleyda Muqdisho ee ah in shirkaddan ay mas’uul ka tahay in lacago qasab ah laga qaado ayaa wuxuu ku jawaabey “Meelaha ku haboon inaad ka raadiso ayaa lagaa rabaa waa lagu eedeeyey kaliya ma ahan waad ku mahadsan tahay, aad ayaan kaaga mahadcelinayaa, wixii war ah aan kusiin karo waan ku siiyey, dalka iyo dadka in loo shaqeeyo waa muhiim” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey guddoomiyaha shirkadda Takaful.

Magaalada Muqdisho waxaan maanta ka shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha, kadib markii gaadiidleyda ay sheegeen in shirkadda Caymiska Takaful ay kusoo rogtey lacago aan sharci ahayn, iyadoo dhanka dowladda usoo mareysa waa sida ay hadalka u dhigeene.

Goobjoog News