U bood dhigaalka

Shirkad Maraykan Ah Oo Gaadiid Dagaal Ka Iibineysa Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto

Sheeko:Dalka

Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka ayaa shaacisay in shirkadda la yiraahdo Oshkosh ay heshay in ka badan Nus Bilyan doolar oo heshiis ah, kaas oo gaadiid dagaal uga iibineyso wadamada Soomaaliya, Cameron, iyo Iraq.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in shirkaddan ay qandaraaskan ku dhameyn doonto dhammaadka bisha July sanadka 2018.

“Oshkosh oo ah shirkad ka shaqeysa dhanka difaaca Milatariga ayaa waxay heshay 378.1 Milyan oo doolar taas oo gaadiid Military oo ay ka mid yihiin 1,543 baabuurta dhex dhexaadka ah ee Tiknikada uga iibin doonto wadamo shisheeye” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda difaaca Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dib u dhiska ciidamada Qalabka sida, kuwaasi oo ku burburay dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dhacay.

Goobjoog News