U bood dhigaalka

Shirkad Shidaal Baaris ah oo Ka Baxdey Puntland

Sheeko:Dalka

Shirkad ka diiwaangashan dalka Canada oo lagu magacaabo Africa Energy oo illaa sanadkii 2007-dii hawlo shidaal baaris ah ka wadday dhulka maamul goboleedka Puntland ayaa halkaasi isaga baxday.

Shirkadda ayaa sheegtey in ay ku wargalisey maamulka Puntland in ay isaga baxayso heshiiskii qeybsiga waxsoosaarka shidaalka ee ay Puntland la saxiixatay sanadkii 2007-dii, iyada oo joojineysa hawshii ay ka heyset ceelashada ku yaala gobolka Nugaal ee loo yaqaano Ceelka Nugaal iyo Ceelka Dharoor.

Waxa ay go’aanka shirkadda ku sababaysay hubanti la’aan ka jirta jawiga siyaasadeed ee dalka iyo waliba muranka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Puntland ee ku saabsan hawlaha shidaal baarista cidda xaqa u leh in ay saxiixdo.

Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtey in aysan aqbalsanayn heshiiska ay dowlad goboleedyada la saxiixdeen shirkadaha shidaal ogaansho la’aanta dowladda dhexe, iyada oo dowladda federaalka ay dacwado ku furtey qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka ka baaraya maamul goboleedyada.

Goobjoog News