U bood dhigaalka

Shirkada Soma Oil and Gas oo Sheegtey in Natiijo Fiican ay Kasoo Baxday Baaristii ay Ka Wadeen Soomaaliya

Sheeko:Dalka

shidaalAgaasimaha shirkadda Soma Oil and Gas Bob Sheppard taasi oo qandaraas shidaal baaris iyo uruurinta xogta la xiriirta keydka shidaalka Soomaaliya horey ola gashay ayaa sheegey in natiijo wanaagsan ay kasoo baxday baaristoodii.

Natiijadan ayuu sheegey in lasoo daabici doono bishan dhamaadkeeda, waxay ka hadlaysaa kumanaan kiilo mitir oo badda ah shidaalka iyo kheyraadka ku jira oo gaas ah, sida uu BBC-da qeybta adduunka la hadasha u sheegey agaasimaha shirkadan.

Iyada oo qiimayoowga shidaalka adduunka ay sare u kaceen ayaa shirkadaha shidaalka waaweyn ee adduunka sida Exxon Mobil, Royal Dutch Shell, Bp iyo Chevron waxa ay dhamaan muujiyeen sida ay u danaynayaan in ay ku laabtaan Soomaaliya, halkiina kasii wadaan hawlaha shidaal baarista, kadibna ay soo saaraan.

Soma Oil and Gas ayaa ka mid noqon doonto shirkadaha la siinayo qandaraas la xiriira shidaal qodis marka ay xogta soo daabacdo sida ku cad heshiiskii horey loola galay.

Cabdiqaadir Abiikar Xuseen, agaasimaha baarista shidaal iyo gaaska ee wasaaradda batroolka ayaa sheegey in Soomaaliya ay xagga dhulka kala mid tahay wadamada Muzambiqeu, Tanzania iyo Kenya oo dhamaan shidaal laga heley, intaasina ay sii dheertahay Badweynta Hindiya oo Soomaaliya ay qeybteeda ugu badan marto.

Waxa kale oo uu sheegey in dekada Muqdisho la balaarinayo si looga soo dajin karo qalabkii lagu soo saari lahaa shidaalka ee iyagu ah kuwa aad u culus, islamarkaasina weyn.

Wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale ay socoto hawl dayactir ah oo laga hayo dekad kale oo si gaar ah shirkadaha shidaalka iyo kuwa kale ee dalka hawlaha ka haya ay kala soo dagaan qalabkooda. Ma uusan sheegin tan ay tahay dekadaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal