U bood dhigaalka

Shirkada WhatsApp Oo Lagu Ganaaxayo 3 Milyan Oo Dollar

Shirkadda WhatsApp ayaa loo heestaa dacwado ku aadan markii shirkadu ay ku qasabtay in macaamiisheeda ay xogahooda Shaqsiga ah  ay la wadaagaan shabakadda Facebook oo leh milkiyadda Adeegga whatsAppka.

Arrintaani  ayaa waxaa walaac  ka muujisay  dowladda Talyaaniga Hey’adda Talyaaniga u qaabilsan ka hortagga awoodaha suuqa lagu qabsado ayaa waxa ay shaaca ka qaaday  in Shirkadda whats’app ay ku ganaaxayaan falkaani.

Ganaaxa shirkadda What’sapp la dul dhigayo ayaa gaaraya 3 milyan oo Euro oo u dhiganta 3.3 milyan oo doolar.

maamulka ilaalinta xogaha ee ururka midowga Yurub ayaa  ka dalbaday  shirkadda WhatsApp in ay joojiyso xogaha ay  la wadaageyso Facebook. Sida lagu daabacay websiteka Sky News Arabia.

Adeegga  Shirkadda WhatApp waxaa iska leh shirkadda Facebook, waxaana jiray bilihii dambe qorshe ah  in xogaha WhatsAppka lala wadaago shirkadda facebook.

Goobjoog News