U bood dhigaalka

Shirkadaha Facebook Iyo WhatsApp Oo Khasaaro Kala Kulmaya Shiinaha

Dowladda Shiinaha ayaa ka mamnuucday dalkeeda adeegsiga Facebook-ga iyo WhatsApka, arrintaani ayaa waxaa ka cabanaya macaamiisha isticmaala shirkadahan, kuwaasi oo sheegay in aysan awoodin in baraha bulshada ay kula xiriiraan saaxibadooda si toos ah.

Macaamiisha shirkadaha Facebook iyo WhatsApp ayaa sidoo kale waxa ay ka sheeganayaan in aysan awood u laheyn in fariimo, muqaallo iyo sawirro ay isku diraan iyaga oo isticmaalayo baraha bulshada.

Wargeyska  Telegraph oo ka soo baxa dalka Uk ayaa sheegay in shirkadda WhatsApp laga mamnuucay qeyb ka mida dalka Shiinaha, isaga oo tilmaamay in arrintaan ay gogol xaar u tahay maalmaha soo socda in guud ahaan shirkaddaan laga mamnuuci doono dalkaasi.

Arrintaani ayaa sidoo kale waxay caqabad ku noqon doontaa shirkadda Facebook taas oo dooneyso in dalka Shiinaha ay awood ku yeelato.

Tallaabada WhatsAp looga mamnuucay qeyb ka mida Shiinaha ayaa waxay qeyb ka tahay olole ay bilihii dambe ay waday dowladdaas, ka dib markii saddex website oo waaweyn lagu soo rogay in ay joojiyaan baahinta filimada iyo heesaha.

Dowladda Shiinaha ayaa bilowgii sanadkii 2009 kii waxaa ay ka mamnuucday dalkeeda adeegsiga Facebook-ga iyo baraha kale oo  ay bulshadu ku xiriirto sida Telegramka iyo Instagramka.

Waayihii dambe ayaa Shiinaha waxa uu waday tallaabooyin ka dhan Internetka, waxa uuna doonayaa in uu sharci ka soo saaro Internetka.

Goobjoog News