U bood dhigaalka

Shirkadaha Hormuud Iyo Somtel Oo Qiimo Ahaan Qalabka Ay Kenya Ka Burburisay Ku Sheegay $2,493,410,76

Sheeko:Dalka

Guddiga warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee golaha shacabka BF ayaa todobaadkan golaha waxaa uu hordhigay warbixin la xiriirta khasaaraha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay u gesyteen shirkadaha Hormuud Iyo Somtel.

Shirkadda Hormuud:

05/10/2012, Ciidamada Kenya ayaa miino ku xiray Tower-ka shirkadda ee ee tuulada Dhegalaab ee Baardheere, khasaaraha waa $255,528,16.

17/09/2017: Ciidamada ayaa burburiyey Site-k tuulada Khadiijo Xaaji ee Beled Xaawo, khasaaraha waa $388,344,34.

20/01/2018: Ciidamada ayaa miino ku xiray Site-ka Tuulada Ceelbaade ee Gedo, khasaaraha waa $307,594.36

02/03/2018: Ciidamada ayaa burburiyey Site-ka Dhamase ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $390,410.56.

Mar 3aad, waxaa ay burburiyeen Site-ka tuulada Dhuuntow ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $267,778.16

13/08/2018: Waxaa ay burburiyeen BTS-ka matoorada soolarada iyo Towerka shirkadda ee Cali-buley ee Dhoobley, khasaaraha waa 298,461.16.

20/01/2019: Waxaa ay burburiyeen agab, ateennada, soolarka, BTS-ka keydka shidaalka ee xarunta Dhuyac goron, khasaaraha waa $331,294.00

27/03/2019: ciidamada ayaa yimid xarunta Jaldeys ee u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley , waxaa ay burburiyeen qalabkii sida BTS-ka, Soolarada, Matoorada, Tower-ka, systemka iyo keydkii shidaalka iyo ugu dambeyntii 20/03/2019 waxaa ay soo weerareen xarunta shirkadda ee Xiisin guur, wax khasaaraha ma gaarsiin.

Dhinca kale, shirkadda SOMTEL ayaa sheegtay iney ciidamo Kenyaan ah ay yimaadeen xaruntooda Jaldeys March 27, 2017 iyaga oo miino ku xiray Tower-ka halkaasna ku burburiyey dhammaan qalabkii, khasaaraha halkaasi ka dhashay waa $165,760.00

Haddaba, Khasaaraha guud ee ciidamada Kenya ay ka geysteen goobaha ay burburiyeen sida: Dhegalaab, Khadiijo Xaaji, Ceel-baande, Dhamase, Dhuuntow, Cali-buley, Dhuyac,garon iyo Jaldays waa $2,493,410.76

Goobjoog News