U bood dhigaalka

Shirkadda Apple I oo Raadineysa computer Qashin qubka lagu riday

Xarunta  San Francisco recycling centre ayaa raadineysa Computer si qaldan ku baxay, Computer-ka oo lagu tilmaamay mid taariikh leh, waxaa uu ka haray shirkadda  Apple I .

Computer-kan waxaa uu ku jiray qalab Computero iyo alaabo kale isugu jira oo Haweeneydan ay qashinka ku dartay markii uu geeriyooday ninkeeda.

Machine-kan waxaa uu ku jiraa 200 oo Computer oo markii ugu horeysay ay shirkadda sameysay.

Shirkadda ayaa Computer-ka  qof uga iibisay $200,000 (£131,000).

Haweeneyda ayaa Computer-ka ku iibisay kala u bar lacagtii lagu soo iibiyay bishii April, Shirkadda waxaa ay bilowday olole balaaran oo ah sidii dadka loogu sheegaa Compuer-kaas iyo in qofkii haya uu shirkadda usoo celiyo.

Computer-kan waxaa sameeyay Steve Wozniak, waxaa mid ka mid Computeradii ugu horeeyay ee  Apple I. Waxaa la iibiyay  July 1976  qiimo dhan $666.66, machine-ka  waxaa uu leeyahay  4kB of memory.

Ilaa iyo hadda waxaa la rumeysan tahay in  63 ka mid ah computeradaas ay weli shaqeyn karaan halka inta kale iska baaba’een.