U bood dhigaalka

Shirkadda Apple Oo Qorshaynaysa IPhone In Uu Bedel U Noqdo Baasaaboorka

Daahrog (Patent) cusub ah oo loo diiwaageliyay shirkadda Apple ayaa tilmaamaya doonista shirkadda in mobile-keeda iPhone loo bedelo baasaaboor qofka wata aqoonsigiisa gaarka ah u noqon doona. waxaa la isticmaalayaa adeegyada kala duwan ee iPhone ee qofka lagu aqoonsado, waxaa gudaha mobile-ka lagu kaydinayaa magaca, cinwaanka, taariikhda iyo dhammaan macluumaadkii baasaaboorka ku qornaa oo dhan.

Marka qofka laga dalbado inuu warqadihiisa aqoonsiga bixiyo, qofka mobile-ka iPhone wata waxa uu isticmaalayaa passwordka aqoonsiga suulka ama aqoonsiga wejiga ee mobile-ku leeyahay. adeeggan ayaa meelo badan faa’iido u leh, sida warshadaha oo qeybo ka mid ah shaqaalaha qaar aan loo ogoleyn iney booqdaan.

 

Sida warqadahan loo diiwaangeliyay Apple ay caddaynayaan, nidaamkan cusub ayaa baasaaboorka ahaan loo isticmaali karo, taasi waxey ka dhigan tahay xitaa haddii aanuu qofku passport wadan in mobile kiisa iPhone uu bedel lagu aqoonsado uu noqon karo.

Sida uu qoray webiste-ka “Metro” ee Britain laga leeyahay, sharci ahaan waxaa loo baahan  yahay in qofka safrayaa uu wato passport, laakiin Apple ayaa ka shaqeynaysa iney heshiisyo ay la gasho dowlado badan si loogu oglaado in mobile-keedu noqdo bedelka Baasaboorka.

Goobjoog News