U bood dhigaalka

Shirkadda Dahabshiil Oo Ku Yaboohday Doon Lagu Soo Badbaadiyo Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Shirkadda Dahabshiil ayaa ku yaboohday doon shacabka Soomaaliyeed kasoo badbaadisa dagaallada ka socda Yemen, xilli gurmad xoogan uu socdo.

Doonidaan ayaa safarkii ugu horeysay ku tagtay Yemen, waxaana habeenkii xalayay kusoo xiratay dekadda magaalada Berbera iyadoo soo qaaday dad gaaraya 200 oo qof.

Mas’uuliyiinta shirkadda Dahabshiil oo Dekadda Berbera kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in doonidaan ay ka mid tahay gaadiidka badda ee shirkadaasi, islamarkaana ay dhowr jeer ku laaban doonto Yemen, dadna soo qaadi doonto.

Dadka xalay lasoo gaarsiiyay dekadda magaalada Berbera waxay shirkadda Dahabshiil u qeybisay Raashiin ay cunaan, waxaana la geeyay goob loogu tala galay in lagu xanaaneeyo.