U bood dhigaalka

Shirkadda Dhismaha Jidadka Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho- Jowhar Oo Naqshaddii Sameysay

Sheeko:Dalka

Khubaro farsamo oo ka socday hey’adda “Public Works Authority (Ashghal)” ee dalka Qatar ayaa soo booqday Soomaaliya, iyaga oo heshiis isfaham ah la galay hey’adda “Qatar Fund For Development (QFFD)”, si loo helo talooyinka, qorshaha iyo maamulka mashaariicda ay maalgeliso hey’adda ee dibadda Qatar.

Waftiga (Ashghal) ee Soomaaliya yimid, waxaa ka mid ah engineer Axmed, Maamulaha Cali al-Ansari, naq-shadeynta waddada engineer Cabdulaziz Cali al-Sada,  iyo khabiirka naqshadaha waddooyinka Cabdulaziz Salah El-dein Omar.

Booqashadan waxaa ay ujeedkeedu ahaa in la fuliyo dhismaha labo waddo oo kala ah: Jidka Muqdisho-Afgooye oo 30km ah iyo waddada Mogadishu-Balad-Jowhar oo 90km ah.

Kooxdan waxaa ay sidoo kale booqdeen labada waddo, iyaga oo arkey baahida jirta, waxaa ay sameeyeen daraasad la xiriirka qaabka jidadka noqon-doonaan iyo sidii naqshad cusub loogu sameyn lahaa.

Goobjoog News