U bood dhigaalka

Shirkadda Facebook Oo Maalgelin Ku Sameynaysa Warbaahinta Caalamka

Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday iney maalgashi cusub oo qiimihisu yahay 4.5 milyan oo dolar ay gelinayso warbaahinta warka sameysa ee caalamiga ah.

Shirkaddan teknoolojiyada ee caanka ah oo sanadkan soo xareysay faa’iido 5 billion ka badan qiimaha shirkadda saddexdii bilood ee la soo dhaafay, ayaa sheegtay iney 3.5 milyan oo dolar ay ku shubayso sanduuqa “Facebook Membership Accelerator”, oo ah barnaamij tijaabo ah oo mudadiisu tahay 3-bilood, danta laga leeyahayna ay tahay in lagu garabsiiyo warbaahinta leh nimaad ka qeybgalayaal dadku si gaar ah ugu xiran yihiin.

Campbell Brown oo ah madaxa qeybta wararka caalamka ee Facebook ayaa waxa uu yiri: “Waxaan wadaynaa tababarka koox ka mid ah dadka warka faafiya illaa dhammaadka sanadkan, waxaan sidoo kale marka kale la shaqeyn doonnaa 2019 si aan xoogga u saarno dadka warbaahintaa ku xiran.”

Sidaas oo kale, waxey shirkaddu ku dhawaaqday iney 1-milyan oo dolar gelinayso ol’olaha “NewsMatch” sanadkan 2018, kaas oo tabarucaan loogu ururuuiyo in ka badan 100 warbaahin oo aan ribix doon ahayn oo ku yaalla daafaha kala duwan ee dunida.

Brown, waxa uu yiri: “Sanadkii hore, NewsMatch waxey ka dhigtay 2017 inuu noqodo sanad record ah oo ay korortay taageerada la siiyo saxaafadda aan ribixdoonka ahayn, waxaan aad ugu dadaaleynaa in NewsMatch ay noqoto mid sii ballaarata sanadka 2018.”

Waxaa qorshuhu yahay in barnaamijka “Facebook Membership Accelerator” uu garab istaago mu’asaaska aan ribixdoonka ahayn ee warbaahinta maxalliga ah si ay u abuuraan howlqabadyo muddo dheer sii socda, iyadoo dadka warbaahintooda ku xiran loo ogolaanayo iney si sahlan wararka ku helaan khibrado gaar ahna la siiyo.

Goobjoog News