U bood dhigaalka

Shirkadda Fly Dubai oo Hargeysa Tagtey Maalmo Kadib Heshiiskii Imaaraadka iyo Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Shirkadda laga leeyahay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ee Fly Dubai ayaa markii ugu horeysey maanta duulimaad ku timid magaalada Hargeysa, halkaasi oo todobaadkii ay afar jeer tagi doonto, iskuna xiri doonto Dubai iyo Hargeysa.

Duulimaadka ayaa waxaa la socdey maareeyaha guud ee shirkadda Kheyd Binu Kheyd, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil iyo wasiirka duulista hawada sare Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo munaasabad garoonka Cigaal lagu qabtay ayaa ka mahadceliyey talaabadan ay shirkadda ku biloowdey duulimaadyada.

Maareeyaha shirkadda mudane Kheyd oo hadlay ayaa yiri “Waxaa naga go’an in aan duulimaadyo toos ah ku tagno suuqyada cusub, kan Hargeysa ku nimidna waxa uu qurba-joogta Soomaaliyeed siinayaa fursad ay kusoo booqdaan qoysaskooda iyo qaraabadooda ee dalka jooga, sida uu heshiiska yahayna waxaa jira illaa 250 duulimaad oo Hargeysa imanaya”.

Duulimaadkani ayaa yimid xili 7-dii bishan uu magaalada Muqdisho yimid wasiirka arrimaha dibada ee Imaaraadka Sheekh Cabdullaahi Binu Sultan Al-Nahyaan kaasi oo dowladda federaalka la saxiixdey heshiis xagga duulimaadka ah.

Lama oga in heshiiskaasi labada dowladood uu qeyb ka yahay duulimaadkani maanta gaaray Hargeysa.

Goobjoog News

fly dubai 4 fly dubai 3 fly dubai 2 Fly dubai 1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Imaaraadka iyo federaalka