U bood dhigaalka

Shirkadda Google oo Ku Dhawaaqay Dib-u-Cusbooneysiin Lagu Sameeyay Gmail-ka

Shirkadda Google ee iska leh “Gmail” ayaa ku dhawaaqay iney dib u cosbooneysiin ku sameysay adeegeeda, waxa ku cusub ayaa ah in farriimaha kuugu soo dhaca Inbox sida ay kuugu kala muhiimad badan yihiin aad u kala calaamadaysan karto, marka hore waxa uu kuu soo bandhigayaa farriimaha aadan akhrin, farriimaha muhiimka ah iyo kuwa sida khaaska ah aad u daneynayso.

Cusbooneysiintan ayaa kuu suurtaggalineysa in farriinta laguu soo diro si gaar ah aad u calaamadaysato si hadhow aad si fudud ugu heli karto marka aad u baahato.

Sida uu sheegay website-ka “phonearena“, caalamadaynta nooca farriinta gaarka kuu ah waxay aad muhiim ugu tahay dadka farriimaha faraha badani u soo dhacaan.

Adeeggan cusub waxaa heli kara oo qura dadka qalabkoodu ku shaqeeyo “Android“, iyadoo ay jirto in dadka “iOS” isticmaalaa ay in muddo ah adeegaa isticmaalayeen oo ay hasteen!.

Waxaa xusid mudan, adeeggan cusubi 15 maalmood ay ku qaadaneyso dadka qaar iney helaan, waana sida ay sheegayso shirkadda Google.

Goobjoog News