U bood dhigaalka

Shirkadda Google oo Soo Kordhisay Adeegga “YouTube Go” oo 130 Dowladood Laga Hirgeliyay

Shirkadda Google ayaa ku dhawaaqday iney suuqyada soo gelisay adeeg cusub oo la magac baxay YouTube Go oo 130 dowladood in ka badan laga heli karo.

Adeeggan ayaa ah YouTube oo dib u qaabeyn lagu sameeyay waxaana loogu talogalay dadka qalabkoodu ku shaqeeyo nidaamka Android, waxa uu ku fiican yahay goobaha internet-ku daciifka ka yahay ama kuwa ku bixiyay “Cellular data” lacago faraha badan.

Adeeggan YouTube Go ayaa qofka adeegsada waxaa u suurtogaleysa inuu muuqaallada ula soo dego si ka sahlan habka YouTube, iyadoo internet-ka uu hawada ka maqan yahayna waxbaad kala soo degi kartaa, muuqallada si wanaagsan ayaad saaxiibadaa ula wadaagi kartaa idigoon waddo dheer u baahan.

Sida uu qoray website-ka Tech Insider ee dalka Mareykanka laga leeyahay, adeeggan ayaa si tijaabo ah dalka India loogu sii daayay sanadkii hore, waxaa lagu xijiyay illaa 14 dowladood oo kale, laakiin maanta dowladaha intooda badani way heli karaan adeeggan cusub.

Si kastaba, adeeggan YouTube Go ayaa waxaa ku socda dib u habeyn, waxaa la gaarsiinayaa xawaaraha download mid aad u sarreeya, hal muuqaal wax ka badanna aad la wadaagi karto asxaabtaada kale.