U bood dhigaalka

Shirkii 28aad ee Midowga Afrika oo Maanta Furmaya iyo 5 Musharrax oo u Tartameysa Guddoomiyaha Afrika

Sheeko:Dalka

Shirkii 28aad ee Mudowga Afrika ‘AU’ ayaa ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyadoo ay ka qeybgalayaan madax farabadan oo ka tirsan midowga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in sanadkan ay ka soo qeybgalayaan shirkan madaxweynayaasha 37 dowladood, 3 madaxweyne ku-xigeen, 49 wasiir arrimo dibadeed, iyo in ka badan 4 kun oo qof oo iskugu jira ganacsato, korjoogayaal caalami ah iyo marti sharaf shirka lagu casuumay.

Shirkan ayaa ah mid doorasho oo lagu dooran doono madaxda Afrika hoggaamineysa 4 sanno ee soo aaddan iyadoo halkaa lagu doordoono guddoomiyaha cusub iyo ku-xigeennada Midowga Afrika.

5 musharax ayaa u tartamayasa Guddoomiyaha Afrika, waxayna kala yihiin; wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amino Maxamed Jibriil, Pelonomi Vinson Moitoi oo dalka Botswana ah, Cabdullaahi Bathily oo u dhashay dalka Senegal, Moussa Faki Mohamat oo dhashay dalka Chad iyo Mba Mokuy oo u dhashay Equatorial Guinea.

Doorashada ayaa  wareegga 1-aad lagu kala baxayaa haddii musharrax uu helo codod 50%+1, haddii kalena waxaa wareegga 2-aad iskug soo haraya Labada Musharrax ee ugu cododka badan, cidda wax dooraneysaana waa madaxda Afrika ee shirka ka qeybgaleysa.

Dhacdada kale ee shirka ugu muhiimsan ayaa ah  soo noqoshada dowladda Morocco oo dib ugu soo laabaneysa midowga Afrika oo ay ka baxday sanadkii 1984-tii, iyood hadaba 40 dowladood ay kalsoonidooda u muujiyeen Morocco si ay mar labaad ugu soo noqoto midowga.

Goobjoog News