U bood dhigaalka

Shirkii 4-aad Ee Madasha Guddiyada Dastuurka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Magaaladda Garowe

Sheeko:Baarlamaanka

Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah.

Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.

Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe ee soo dhamaaday.

Goobjoog News