U bood dhigaalka

Shirkii Amniga Ee Farmaajo Ku Baaqey Oo Fashilmay Iyo Xaaf, Madoobe iyo Deni Oo Nairobi Ku Shiraya

Sheeko:Amniga

Shirka golaha amniga ayaa mar kale ku fashilmay inuu qabsoomo kadib markii uu baaqday kulan lagu balansanaa inuu dhaco jimcihii, waana baaq kale ee uu madaxweyne Farmaajo u diro dowlad goboleedyada oo laga jawaabi waayo.

Kulamada golahan waxaa saameeyey tan iyo markii la aasaasay khilaafyo soo kala dhex-galay dowlad federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Shirka golaha waxaa uu qorshuhu ahaa inuu socdo April 19-23, oo sidaasi waxaa horay bartiisa Tweeterka ugu sheegay Cabdi Saciid Cali oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabudillahi Farmaajo u ah la taliyaha xagga amniga.

“Iyada oo aan xal laga gaarin arrimaha siyaasadda, ma qabsoomi karo shir amni” waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay la taliyihii amniga ee maamulka Farmaajo Xuseen Macalim.

Mr. Xuseen oo hadda ah agaasimaha xarunta Hiraal waxaa uu qabaa in marka hore meel la saaro arrimaha siyaasadda, oo la xaliyo dhammaan cabashada ay qabaan dowlad goboleedyada, kadibna arrimaha amniga laga wada hadlo.

Dhinaca kale, saddex ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kala ah: Axmed Madoobada Jubbaland, Axmed Xaaf-ka Galmudug iyo Deniga Puntland waxaa ay joogaan Nairobi. Lama oga in inta kale ku biiri-doonaan iyo in kale.

Goobjoog News